Warbixin: Maraykanka oo soo saaray digniin cusub oo ku aadan Kenya

Nairobi (Caasimada Online)- Dowladda Maraykanka ayaa dib u cusbooneesiisay soona saartay digniin ku aadan muwaadiniintooda in ay u safraan dalka Kenya

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in khataro waaweyn ay ka soo socdaan dalka ku yaalla geeska Afrika ee Kenya.

Xaafadda Islii waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qaraxyo iyo raaf aan loo kala aabo yeelin dadka, waxaaba la arkayay haween xaamilo ah iyo kuwa carruur sita oo la qabqabanaayo.

Maraykanka ayaa sheegay in muwaadiniintiisa uu uga digaayo in ay aadaan Kenya waxaana uu tilmaamay in la bartilmaameesan karo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Maraykanka uu soo saaro digniino ku socota muwaadiniintiisa u safraya dalka Kenya.

Kenya waxa ay daris la noqotay qaraxyo iyo dilal tan iyo markii Kenya ciidamo u dirtay dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com