Cabdirashiid Duqa oo war lama filaan ah ka soo saaray dib u doorashada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah afhayeenka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ka hadlay doorashada guud ee madaxweynaha, taas oo loo madalsan yahay 15-ka bishaan aynu ku jirno May ee 2022-ka.

Cabdirashiid oo hadal ka jeediyey munaasabad gaar ah oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku dhowaaqay erayo lama filaan ah, sida madaxweynaha dib loo doortay, isaga oo tusaaleysanaya doorashada madaxweynaha ee dhici doonto maalmaha soo socda.

“Aniga waxaan tusaaleysanayey 15-ka May oo ah maalinta loo madlay in la doorto madaxweynaha, iyaga oo kasoo warramaya goobta baarlamaanka Wariye ka mid ah gabar iyo wiil koo doono ha ahaadee oo ku dhowaaqaya madaxweynaha jamhuuriyadda ee la doortay ama dib loo doortay si ay ahaataba,” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa ka falceliyey dadweyne fara badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay damaca ku jira kooxda Villa Soomaaliya ee ku aadan dib doorashada Farmaajo.

Villa Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay ololihiisa doorashada ee Farmaajo kadib markii guddiga doorashada ay ku dhowaaqeen in doorashada la qabanayo 15-ka May.

Sidoo kale kooxda ayaa adeegsatay halku dhigga “Isbeddel Doonka Socda” oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Si kastaba, Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo uu daah fur weyn u sameeyo ololihiisa doorashada xilli ay hal usbuuc kaliya ka hartay taariikhda loo asteeyay inay dhacda doorashada guud ee xilka madaxweynaha, taas oo loo geli doono loolan culus.