30.4 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

C/rashiid Janan oo eedeyn culus u jeediyay Kenya, kana dalbaday inay soo dhiibto…

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha NISA ee maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Beledxaawo ayaa dalab culus u diray Dowladda Kenya.

Janan ayaa marka hore ku eedeeyay Kenya gacan siinta ciidamada ay is hayaan ee taabacsan Axmed Madoobe. Waxa uu sheegay in gaadiidkooda cagafta ay difaacyada u qodeen ciidamada Jubbaland oo ay kula dagaallameen duleedka magaalada Beledxaawo.

“Waxaad arkaysaan dhufeysyadii ay qoteen cadowga, waxaa qoday cagaf laga leeyahay Kenya. Ma aqbali karno in cagaf dal kale laga keeno difaac uu u qodo cadowga,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Janan waxa uu Dowladda Kenya ka dalbaday inay soo dhiibto gaadiidka ku buufsan summadda Soomaaliya, isla markaana ay dhowrto derisnimada labada dal.

Sidoo kale, waxa uu arrin dhaawac ku ah derisnimada labada dal ku tilmaamay in Kenya ay qaabbishay dhaawacyada ciidamadii ay la dagaallameen ee maamulka Jubbaland, ayna haatan ku daaweynayso Mandheera.

Dagaalka maanta oo ahaa mid culus ayaa waxa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah, iyo dadka shacabka ah, inkasta oo aysan jirin tiro si rasmi ah oo illaa haatan la xaqiijiyay.

Dhankeeda, Jubbaland oo ka hadashay dagaalka ayaa ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ku eedeysay inay soo qaadeen duullaanka.

Ciidamada Jubbaland ee taabacsan Axmed Madoobe ayaa la sheegay in maalmihii dambe ay isku urursanayeen tuullo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, taas oo dagaalka xooggiisu uu ka dhacay maanta.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa toddobaadyadii dambe gacanta ku hayay Beledxaawo, oo ah magaalo istaraatiiji ah, kadib markii ay dagaal uga saareen ciidamadii maamulka Jubbaland.

- Advertisement -

Read more

Local News