Cabdiraxmaan Caynte: DF Somalia waxay ku kacday ‘dayacaad dambi ah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay sameysay wax uu ugu yeeray “dayacaad dambi ah.”

Caynte ayaa tixraaceeyey mashruuc biyo-xireen ah oo uu Talyaaniga ugu talo-galay Soomaaliya, kaasi oo baaqday kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo dalban weyday.

Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa dhowaan qoray warbixin, ay soo xigatay Caasimada Online, oo uu ku sheegay in lacag 6 milyan oo dollar ah oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xireeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah maamulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Haddaad maqasho dayacaad dambi ah “criminal negligence” meel kale ha u raadin. Fatahaadaha Beledweyne ka dhacay waa laga waaban karay haddii dowladdu dhug u yeelan laheyd mashruucan.” Ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray “balse dhisamaha biyo xireenka waxaa uga muhiimsanaaday carqaladeynta deegaanno xasilloon.”

Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa shalay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay soo jeedinta mashruuca.

“Dowladda federaalka iyo Talyaaniga waxay wada-xaajood la lahaayeen suurta-galnimada ah inay nala siiyo taageero looga hortagi fatahaadaha. Soo-jeedinta mashruuca waxaa loo gudbiyey dowladda Talyaaniga si ay u eegto, wada-hadalkana weli waa socdaa. Lama ansixin, lamana saxiixin wax mashruuc ah illaa hadda.” Ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa.

Oraahyadii ugu caansanaa muranka ugu badana dhaliyeen ee laga diiwaan geliyey Siyaad Barre