24 C
Mogadishu
Thursday, September 4, 2025

Cabdiraxmaan Maaxi iyo Ibraahim Maadeey oo maanta lagu toogtay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, gaar ahaan qaybta jabhadah, kuwaas oo horay u gaystay dilal qorsheysan.

Labada marxuum oo la geeyay tiirka Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu kala magaaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi oo magaciisyadiisa afgarashada ay kala yihiin (Maaxi, Yoonis) iyo Ibraahim Aadan Maadeey, waxaana ugu dambeyn lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Cabdiraxmaan Maaxi iyo Ibraahim Maadeey ayaa si gaar ah uga tirsanaa jabhadaha kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.

Sidoo kale waxaa lagu helay inay horay dilal qorsheysan uga gaysteen magaalada Muqdisho, waxaana horay loo baahiyay muuqaallo ay ku qirteen dambiga lagu helay.

“Labaduba waxay magaalada Muqdisho ka gaysteen dilal lagu beegsaday dad qiimo ku dhex lahaa bulshadda” ayaa lagu yiri qoraaal kooban oo ay soo saartay Maxkamaddu.

Dhawaan Maxkamadda Ciidamada ayaa siyaabo kala duwan u toogatay siyaabo kala duwan dil toogasho ugu fulisay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo la geeyay tiirka cadaaladda, laguna dilka qisaasta ah, maadaama lagu helay dambiyo culus.

Maxkamadda Ciidamada ayaa dhawaan dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News