Cabdiraxmaan Xoosh oo sharafta ka qaaday Kay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa aflagaado iyo hadal ay ka buuxdo caro ku sagootiyay ergeyga waqtigiisii dhammaaday ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, oo muddadii uu xilka hayey bohol ku riday Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Xoosh, ayaa wax lala yaabo ku qeexay in xaflad sagootin ah ay xalay madaxda sare ee dowladda Federaaka u sameeyeen Kay.

Xildhibaan Xoosh ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu cabiray fekerkiisa ku aadan Nicholas Kay isagoo sheegay inuu ahaa shaqsi cunsuri ah oo mabda’ gumeysi ku socday isla markaana uu jaahil ka ahaa arrimaha xasaasiga.

Wuxuu intaas ku daray inuu Soomaaliya uga tegay waqti ay ka xun tahay markii uu xilka qabtay ee uu jagada kala wareegay Augustine Mahiga, wuxuuna sidoo kale wax ka sheegay madaxweyne Xasan Sheekh

HOOS K AKHRI EREYADA XOOSH

“Today Somali officials are holding a farewell party in Mogadishu for Nicholas Kay, one of the most incompetent SRSG Somalia ever hosted: Arrogant, racist, colonial and ignorant of critical local issues. He leaves Somalia worse than where it was left in 2012 by Ambassador Augustine Mahiga on every index measurable. A few weeks ago, he was also publicly praised by another miserably failed leader HSM. I guess it takes one failed person to recognize another. I say good riddance to Nick Kay and I am appalled that some of my friends have shown the bad wisdom of attending his farewell party.”

Xanaaqa uu Xildhibaan Xoosh kula dul dhacay ergeyga Kay ayaa muujinaya geesinimada xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com