Gabdhihii uu Xasan iibiyey oo dhowaan baxaya!!

Muqdisho (Caasimada online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay shaqaale la hadal hayay in loo diri doono dalka Sacuudiga iyadoo ay yihiin hablo jaariyad ahaan loo geynayo dalka.

Shaqaalahan gabdhaha ah ayaa dhowr bilood ka hor waxaa iibiyey madaxweyne Xasan Sheekh oo mallaayiin dollar kaga qaatay dowladda Sacuudiga kadib kulan uu madaxda dalkaas kula yeeshay Riyadh..

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan shaqaale Soomaliyeed oo dhowaan shaqo u tegi doona dalalka Sacuudiga iyo Qadar.

Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin nooca shaqooyinkaasi iyo shaqaalaha loo dirayo dalalkaasi, wuxuuse intaas ku daray in Wasaaradiisu ay wado qorsheyaal shaqo lagu siinayo shaqaalaha dowladda iyo kuwa madaxa banaan.

“Waxaa meel wanaagsan inoo maraya dadaallada aan ku doonayno inaan shaqaale badan ugu dirno Sacuudiga” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

“Bisha Janaayo waxaa billaaban doona wax uun, waxaa jira fursado badan oo lunsanaa oo ay hadda Wasaaradda soo saartay , sidaad ogtihiin 5,000 oo Shaqaale Ajnebi ah ayaa dalka jooga oo ka shaqeeya fursadaha shaqo ee dalka yaallana waxaa leh Shaqaalaha Soomaaliyeed, sharcigii shaqaalaha ajnabiga baarlamaanka ayaa ansixiyay kaas ayaana ku shaqaynaa” Ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada.

Gabdhahan loo dhoofinayo Sacuudiga, ayaa aqoonyahanno badan ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in xadgudubyo ay kala kulmaan ragga ay u shaqeynayaan ee Sacuudiyaanka ah, sida marar badan ay ugu geysteen ajaaniibta kale ee dalkaas ka shaqeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com