ETHIOPIA oo calankeeda ka surtay PUNTLAND.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaasi uu kulamo uga socdo maamulka Puntland iyo mas’uuliyiin ka socta Dowlada Ethiopia.

Kulanka ayaa salka ku haya xiisada ka taagan deegaanka Buuhoodle, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ay halkaasi ka sureen calanka Ethiopia, taasi oo dhalisay xiisad Siyaasadeed labada dhan ah.

Kulamada ayaa waxa uu si gaar ah ugu dhexeeya Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland iyo Qunsulka Ethiopia ee Puntland oo dhowaan booqday Buuhoodle.

Ciidamada qalalaasaha kawada deegaanka Buuhoodle ayaa u badan kuwa Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxa ayna ku taamayaan in Siyaasada iyo awooda Dowlada Ethiopia ay ka hirgaliyaan Buuhoodle.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Qunsulka Ethiopia ee Puntland, ayaa si gaar ah uga wada hadlay qaboojinta xiisada ay wadaan ciidamada Liyuu Bolis ee Ethiopia islamarkaana la dhowro sharciga xuduuda labada dal.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camey oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in arrinta xuduudka ay xal ka gaareen, islamarkaana calanka Ethiopia aan dib looga taagi doonin deegaanka Buuhoodle ee maamulka Puntland.

”Mas’uuliyiinta ka soctay Dowlada Ethiopia ee aan la kulanay waan u sheegnay in calankooda ay ka siibaan deegaanka Buuhoodle, waxaana ka dalbanay inaan la xumeyn xiriirka oo laga wada shaqeeyo amaanka labada dhinac” ayuu yiri Cabdixakiin Cumar Camey oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Docda kale, Camey waxa uu tilmaamay in Puntland aysan diyaar u aheyn inay dib u huriso colaadihii horay u dhexmaray ciidamada Ethiopia, Shacabka iyo Ciidanka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com