Laascaanood (Caasimada Online) – Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo haatan ah murashax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso doorashada maamulka.
Khaliif oo bixiyay wareysi gaar ah ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka ay ka shaqeynayso sidii dib loogu dooran lahaa Cabdulqaadir Firdhiye, oo asagu maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarka, isla markaana si weyn ugu xiran hoggaanka Dowladda Soomaaliya.
“Firdhiye waa xubin ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna dowladdu u aragtaa baari si buuxda u fulinbkara danaha ay ka leedahay dhismaha maamulka Waqooyi Bari, ” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Hoggaamiye Firdhiye ayuu sheegay inuu ku fashilmay isku haynta midnimada maamulka, “Waxaanu u dhiibnay hoggaamiye Firdhiye dad iyo deegaan mideysan oo siyaasin, dhaqaale, ciidan iyo qabiil ahaan u mideysan, maantana dhamaan intaas majirto, qeylada yeeraysana waa maqashaan,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Midnimadii oo aheyd wixii aasaasiga aheyd baa dhamaanba luntay. Wixii aanu helnay ugu weyn ee aan ku dagaal galnay nidnimo ayey aheyd.”
Khaliif ayaa sheegay in waxyaabaha sugaya hoggaamiyaha cusub ay tahay wax ka qabashada midnimada luntay ee maamulka Waqooyi Bari, taas oo uu ku eedeeyay inuu lumiyay hoggaamiyaha KMG ah, Cabdulqaadir Firdhiye.
Dhinaca kale, Khaliif oo horey usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya in ololihiisa doorashada ay taageerayaan maamulo kale sida; Somaliland ama Puntland.
“Miisaanka aan ku leenahay saaxadu ayaa dad badan kuleylka gaarsiiyay, dabadeedna ay keentay in xitaa laga gudbo qiyamkii iyo akhlaaqiyaadkii ay aheyd in la dhowro, oo ah in qofka sharaftiisa meel looga dhicin,” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif.
Waxa uu intaas kusii daray “Ninka maanta aniga igu tuhmaya Somaliland, garaadkiisa iyo garashadiisu halka ay gaadhsiisan tahay ayay ka tarjumaysa. Arrinta Puntland wax waanu wada laheyn, wixii aan wada lahayn maalin baa ku kala baxnay, wax naga dhaxeeya oo aan ku kala go’i karin waa jirtaa, taladayada anagaa leh.”