Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali ayaa ka digay in Soomaaliya ay wajahdo cawaaqib adag kadib dhaq-dhaqaaqyada milateri ee Imaaraadka Carabta uu ka wado gudaha dalka.
Cabdisiciid oo qoray maqaal dheer oo uga hadlayay sida qaldan ee Imaaraadka u adeegsado saldhiga Boosaaso ayaa sheegay in sanadkaan ay jireen duulimaadyo joogto ah oo ka ambabaxayay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku hakayay magaalada Boosaaso ka hor inta aysan sii galin Liibiya iyo Sudan.
Duulimaadyadan ayuu tilmaamay in aysan ahayn kuwo ganacsi oo caadi ah, balse ay u muuqdeen hawl-gallo qorshaysan oo lagu daabulayay hub loo waday kooxda RSF ee Suudaan, taas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay magaalada Alfasher iyo qeybo kale oo ka tirsan Darfur.
Cabdisiciid ayaa maqaalka ku sheegay in qaar ka mid ah diyaaradahaasi ay isticmaaleen hawada Soomaaliya iyo garoomo ku yaalla dalka.
“Haddii dowladda Soomaaliya ay siisay oggolaansho duulimaadyadan, waxay noqonaysaa mid muujinaysa dayacaad masuuliyadeed ama ka-qaybqaadasho toos ah oo lagu caawinayo ciidan lagu eedeeyay xasuuq,” ayuu yiri Cabdisiciid.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay sameyso baaritaan dhab ah si loo ogaado cidda bixisay oggolaanshaha duulimaadyadan, lana eego dhammaan duulimaadyadii xamuul ee dhacay tan iyo bartamihii sannadka 2025.
Ugu dambeyntiina, Cabdisiciid wuxuu sheegay in haddii la xaqiijiyo in Soomaaliya ay qayb ka ahayd silsiladda hubkaas lagu dirayay Sudan, ay taasi keeni karto cunaqabateyn caalami ah, cadaadis dhaqaale iyo in dalka uu waayo kalsoonida beesha caalamka.
Dhawaan, Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.
Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cuna-qabateyn hub.
Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.
Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawl-gallada gobolka ee Imaaraadka.
Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.
Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.
Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.
Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.
Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

