C/weli GAAS oo hal shardi ku xiray in xiriirka P/Land & DF dib loo soo celiyo

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ballan qaaday maamulkiisa in uu la shaqeen doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay in la imaato wadashaqeen fiican oo dib loogu celiyo xiriirka labada dhinac.

Madaxweyne Gaas ayaa carabka ku adkeeyay Puntland in ay u taagan tahay midnimada Soomaaliya, isgaoona intaas ku daray in ay geed dheer iyo geed gaaban ay u fuuli doonaan Soomaaliya oo noqota mid qura.

“Waxaan rabaa caawa in aan sheego in xiriirka annaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uu haagi doono haddii dowladda ay ku dhaqanto dastuurka dalka u yaalla,” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Wuxuu ku celceliyay Maamulka Puntland in ay ka go’antahay siddii uu uga shaqeen lahaa horrumarinta iyo qaranimada Soomaaliya “Arrintaas ma mid qof shakhsi uu sheegay ee waa mid ay go’aan ay ku gaareen shacabka reer Puntland” ayuu markale yiri.

Si kastaba, hadalkan ayuu madaxweynaha cusub ee Puntland ka jeediyay xaflad habeebkii xaley ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana halkaas ku sugnaa mas’uuliyiin iyo diplomaasiyiin caalami ah.

Maamulkii horre ee Puntland, ayaa horrey u sheegay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay wax ka badashay dastuurka kumeel gaarka ee dalka u yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com