Gaalkacyo (Caasimada Online) Sida uu sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee magaalada Gaalkacyo, waxaa maalinta berri lagu wadaa in uu billaabo olalihiisa doorasho ra’iisal wasaarihii ugu dambeeyay ee dowladda KMG ah Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta tegay Gaalkacyo.
Mudane Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay waxaana la dajiyay Hotelka Taar ee ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana ammaankiisa si weyn u ilaalinaya ciidamada ammaanka magaalada iyo taageerayaashiisa.
Waxaa dadka soo dhaweeyay Gaas ka mid ahaa wasiiro horey uga tirsanaa maamulka Faroole, waxaana ka muuqatay wasiirkii hore ee arrimaha Haweenka Caasho Geelle.
Marwo Caasho ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweyne Faroole iyo maamulkiisa waxaa ay u olaleeneysaa siddii uu ugu guuleesan lahaa Gaas doorashadda dhaceysa 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe.
Gaas ayaa ka mid ah musharrixiinta ugu cad cad doorashada Puntland oo markan wax badan ka baddellan kuwii hore sid aay lee yihiin dadka odorosa arrimaha Puntland.
Magaalada Gaalkacyo waxaa laga dareemayaa caawa diyaar garowga olalaha uu berri soo bandhigaayo Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Magaalada waxaa tan iyo maanta lagu arkayay dad wata sawirka Gaas, kuwaasoo ku dhawaaqaya in ay u baahan yihiin isbadal.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe