25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Gaas oo arrin culus shaaca ka qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, ayaa ku eedeeyay ammaan darida ka taagan magaaladan in uu mas’uul ka yahay maamulka uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Faroole.

Isagoo la hadlaayay habeenkii xaley dadweyne ku soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ayuu sheegay in ciidamada ammaanka ee Boosaaso ku sugan aan la siin dhowr bilood wax mushaar ah.

Cabdiweli Gaas oo ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashadda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidan aan wax mushaar an la siin dhowr bilood in ay adag tahay sidda ay ammaanka u sugu karaan.

Wuxuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono haddii uu ku guuleesto xilka madaxweynaha maamulka Puntland arrimaha ammaanka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka musharrax Cabdiweli ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan magaalada Boosaaso uu ka dhacay qarax ismiidaamiin ah, kaasoo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 20 tir kale oo badan ay ku dhaawacantay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News