28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Cabdrisaaq Iftiin oo usoo gacan galay DF Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Ninka isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Iftiin Baroow, iyada oo sawirradiisa iyo muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada.

Cabdirisaaq, oo 20 jir ah ayaa wareysi laga qaaday ku sheegay inuu ku dhashay deegaanka Ceelcadde, kuna biiray Al-Shabaab bishii Maarso ee sanadkii 2023, kadib markii uu tababar ku qaatay deegaanka Iidaale oo ka tirsan gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka qayb-qaatay dagaallo kala duwan, uuna ku dhaawacmay mid ka mid ah howlgalladii ay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo sababtay in uu dib uga fakiro kasii mid ahaanshaha kooxda oo uu ugu dambeyn kasoo baxsaday.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu go’aansaday in uu ka soo baxo Khawaarijta, uuna la xiriiray ehelkiisa oo kula taliyay inuu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya oo uu haatan usoo gacan galay.

Ninkan ayaa hadda lagu hayaa xarun ku taalla degmada Garbahaarey, iyada oo kadib loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh, si uu u maro habraaca la marsiiyo xubnaha kasoo goosto Al-Shabaab.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo iyana isa soo dhiibay lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo iyana la marsiin doono xarumaha dhaqan-celinta.

- Advertisement -

Read more

Local News