Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Boqor Cabdulaahi Geedi Shadoor oo maalmihii ugu dambeeyay ka maqnaa magaalada Muqdisho ee caasimada SOomaaliya.
Soo dhaweynta Boqorka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada, waxaana markii dambe loo galbiyay hoyga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho.
Boqor Cabdulaahi Geedi Shadoor oo ka hadlay soo dhaweyntiisa ayaa sheegay in arimo dhowr ah uu u yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Madaxa warfaafinta maamulka gobolada dhexe Mr Jakuula oo ku hadlayay magaca maamulka gobolada dhexe ayaa boqorka kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho.
Boqorka ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay in maalmahaan magaalada Muqdisho uu kus ugnaan doono.

