Cabdullahi Maxamed Cali Shirwac oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Cabdullahi Maxamed Cali (Shirwac) oo ahaa guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka ah, kaas maalmihii la soo dhaafay aad u xanuunsanaa.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa, wuxuuna xalay saq-dhexe ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maanta la filayey in arrimo caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa si loola tacaalo xaaladdiisa, balse ay ku timid geeri, kahor inta aan la qaadin.

Madax kala duwan iyo qaybaha bulshada ayaa ka tacsiyeysay geerida AUN Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Diini Maxamed Diini oo ay bulshada rayidka ah iskala soo shaqeeyeen ayaa sheegay in Shirwac uu ahaa aqoonyahan iyo samafale ka shaqeyn jiray u ololeynta nabadda.

“AUN Cabdullaahi Maxamed Shirwac, dambigiisa allaha dhaafo, jannatul-firdowsa allaha ku abaalmariyo, waxa uu ahaa aqoonyahan soomaaliyeed, samafale si gaar ah uga shaqeyn jiray islaaxa iyo nabadda, runtii waxa uu ahaa astaanta Bulshada Rayidka, ehelkiisa sabar iyo iimaan allaha ka siiyo” ayuu yiri Diini Maxamed Diini.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa war ka soo saaray geerida ku timid marxuumka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehalladiisa, gaar ahaan qoyskiisa, caruurtiisa iyo guud ahaa dadka Soomaaliyeed.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa,” ayuu yiri ra’iisul wasaruhu.

Rooble ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa marka laga soo tago doorkiisii arrimaha bulshada waxaa lagu xasuustaa sida uu uga qayb qaatay, una hoggaamiyey gurmadkii loo fidiyey qoysaskii ee ay waxyeelada xoogan kasoo gaartay qaraxii 14 October ee ka dhacay isgoyska Zoobe.