Cabdullahi Sanbaloolshe oo tilmaam yaab leh ka bixiyey baarlamaanka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah xildhibaanada dooran ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan munaasabadda dhaarinta ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa si weyn bogaadiyey qabashada munaasabadda dhaarinta, wuxuuna tilmaamay inay soo gabagabeyneyso firaaqii Dastuuriga ee muddada lagu jiray.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaa meesha ka bixi doonaa firaaqa siyaasiga ah ee ka taagan hadda dowladnimada Soomaaliya marka guul ayaan rajeynayaa,” ayuu yiri.

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugidda oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaam ka bixiyey baarlamaanka cusub, wuxuuna xusay inuu ka duwan yahay baarlamaanadii hore.

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa xusay in baarlamaanka 11-aad ay kusoo biireen xubno aad u kala fikir duwan, isla-markaana kala nooc ah, sida uu hadalka u dhigay.

”Baarlamaankan waxaa laga filan karaa inuu ka badalnaado Baarlamaanadii hore Baarlamaankan waxaa laga filan karaa dad afkaara kala duwan leh ayaa isugu yimaaday ooo aan isku nuuc aheyn” ayuu sii raaciyey agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugidda.

Si kastaba, baarlamaanka federaalka aha ee Soomaaliya ayaa xubnaha loo doortay waxaa kasoo muuqday saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, kuwaas oo isla fariisan doono kulamada baarlamaanka 4 sano ee  soo socota.