Amsterdam (Caasimada Online) – Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay xuska 63 guuradii ka soo wareegatay xornimadii gobolada Koofureed iyo Midowgii gobolada Waqooyi iyo Koofureed ayaa lagu qabtay Magaalada Zwolle ee dalka Nederlands.
Munaasabaddan, oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, marti sharaf ka socotay maamulka degmada Zwolle (Gemeente raad), wefdi ay horkaceysay qunsulka safaarada Soomaalida ee Brussels, odayaal iyo. waxgarad ka socday qeybaha bulshada.
Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Cali [Nuune] oo dhinaca kale-na ah Guddoomiyaha Jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda oo munaasabadaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay taariikhda Soomaaliya iyo halgankii dheeraa ee la soo galay xorrnimadda iyo madax-bannaanadda Soomaaliya, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in da’yarta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray la baro taariikhda dalkooda.
“Walaalayaal, waxaad la socotaan in 26-kii June 1960 ey aheyd maalintii ay xoroobeen dadkii Soomaaliyeed ee Gobolada Waqooyi oo xornimadii ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, iyada oo afar cisho kaddibna ay xornimo ka qaateen Talyaaniga Gobollada Koofureed, kaddibna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii midoobay labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaas ka dhashay Jamhuuriyadii Soomaaliya”ayuu yiri Cabdulqaadir Cali Nuune oo hormuud u ahaa dadkii munaasabadaasi soo qabanqaabiyay.
Cabdulqaadir Nuune, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waddan kasta marka ay dhibaato ku dhacdo ay u soo kacaan dadkiisa wax bartay si ay u samata-bixiyaan, isaga oo Soomaalida ku booriyay in ay meel iska dhigaan qabyaaladda iyo nin tooxsiga, ayna fahmaan in sharaftooda iyo karaamadoodu ku jiro dowladnimo, midnimo iyo wadajir.
Cabdulqaadir Nuune, wuxuu soo jeediyay in jiilashada dalkan ku dhashay ama ku koray in la baro taariikhda iyo qiyamka dalkooda, taas oo wax ka taraysa in marka la weydiiyo taariikhda dalka uu asal ahaan ka soo jeedo inuu jawaab ka bixin karo.
“Inkastoo Soomaali haddaan nahay Qaran-jab innagu dhacay oo aan soo marnay dagaalo sokeeye, burbur, haddana waxaa ALLE mahadii ah in ay muuqato rajo iyo yididiilo, waxaana ugu baaqeynaa Dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan “institution” Dowladda in sharciga iyo cadaaladdu noqdaan halka loo irkanayo, loona sinaado sharciga” Ayuu yiri Cabdulqaadir Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed waxa keliya ee deeqi karaa ay tahay cadaalad iyo sharci aan la kala xigin.
Cabdulqaadir Cali Nuune, wuxuu ammaanay dalladda FSAN oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah, isla markaana Soomaalida ku metesha fagaarayaasha caalamiga ah ee dalkan.
“Anigoo ku hadlaya magaca dalladda guud ee Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN waxaan hambalyada xuska 1-da Luuliyo u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan dalkan Nederlands, waxaanna leeyahay waxaan ILLAAHEEY ka baryeynaa in sannadkan sannadkiisa kale inaan ku gaarno nabad iyo dowladnimo taam ah” Ayuu yiri Cabdulqaadir Cali [Nuune], isaga oo dhinaca kalena uga mahadceliyay Guddiga maamulka FSAN sida ay uga shaqeynayaan mar walba isku xirnaanta iyo wax wada-qabsiga Soomaalida dhexdeeda.
Qunsulka safaarada Soomaaliya Fahdia M. Cabdullaahi oo madasha ka hadashay ayaa dhinaceeda u mahadcelisay Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Nuune iyo guud ahaan dadkii soo qabanqaabiyay munaasabada, waxeyna sidoo kale qunsulka ugu hambalyeysay ummadda Soomaaliyeed munaasabadan Qaranka ah.
Barnaamij-ka waxaa si qurux badan u xiriirinayay Cabbaas Cali Nuur oo ka mid ah aasaasayaashii Jaaliyada Zwolle.
Madaxda guddiga maamulka degmada Zwolle [Wethouder] ayaa kala qeybgalay Soomaalida munaasabadda maalinta Qaranka, isaga oo guud ahaan dadka Soomaalida ah ugu hambalyeeyay 1-da Luuliyo.
Ugu dambeyntii, xafladda oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxay ka qeybgalayaashu isugu hambalyeynayeen munaasabadda xornimo-qaadashadii Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena ALLE ka baryayay in uu dhibaatada ka dul-qaado Dalka Soomaaliya.