Xog: Cabsi ka taagan Gaashaamo iyo ciidamada Liyuu Boolis oo…

Hargeysa (Caasimada Online)- Cabsidii ugu darneyd ayaa xiligaan soo food saartay dadka ku dhaqan deegaanka Gaashaamo kadib markii ay arkeen ciidamo Badan oo Liyuu Boolis ah oo La geeyay Gaashaamo.

Cabsida dadka deegaanka Soo wajahday ayaa sii korortay kadib markii dhanka deegaanka xuduudiisa ay tageen ciidamo beeloodyo badan oo la sheegay iney kasoo jeedaan Somaliland.

Dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in cabsi xoogan kaqabaan in ciidamada Liyuu boolis oo ah iney mar labaad xasuuqaan maleeshiyaadkaan is aruursanaya oo Shacabka gabaad Ka dhigtaan.

Masuuliyiin ka socoto Ethiopia ayaa dhawaan tagay magaalada Hargeysa iyagoo la kulmay madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka arimaha dibada Somaliland.

Ethiopia ayaana sheegtay iney baarayaan dhacdadii dhawaan ka dhacday deegaanka Jaamac Dubad.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com