26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Cadadka Damul-Jadiid ee Aqalka Hoose oo kordhaaya & Musharax miisan lahaa oo guuleystay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta ku guuleeystay ka mid noqoshada Xubanaha Aqalka Hoose ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiir Odowaa ayaa helay codad gaaraya 46 cod halka Eng. Dhega Cadde oo la tartamayay uu helay 5 cod.

Doorashada maanta oo Khamiis ah ka dhacday maaalada Cadaado ayaa waxaa lagu doortay keliya Laba Kursi oo mid kamid ah uu helay C/qaadir Gaafow Maxamuud, halka Kursiga kale uu ka helay Odawaa.

Dorashada Aqalka Hoose ee Galmudug ayaa si habsami leh uga socota magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in la dhameystiro Kuraasta Aqalka Hoose ee aan wali la dooran.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News