CADDEYN: DF Somalia oo si rasmi u wareejisay badda SOMALIA (Warqad sir ah oo aan helnay)

New York (Caasimada Online) – Waxaa soo idlaaday kulankii u dambeeyey ee CLCS (Commision on the limits of the Continental Shelf) a oo aay Kenya ku guuleystay in la sameeyo guddi-hoosaad (sub-commision) kii eegi lahaa kana gaari lahaa go’aan arrinta badda iyadoo laga kaaftoomi doono in maxkamadda lagu kala baxo. Go’aanka guddigan ayaa noqonaya mid kama danbeys ah oo aan racfaan laga qaadan karin.

Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in dacwadii badda lagu dhameeyo hab xaal mastuur ah, taasoo aay codsatay dowladda Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Amina Maxamed ayaad waraaq xusuusin ah u soo dirtay dhiggeeda wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalan Hadliye  Bishii October 6, 2015. Warqaddaas oo lagu xusuusinayay wasiirka in aanu ka bixin heshiiskii dhexmaray isaga iyo dhiggiisa Kenya; waxaa waraaqda lagu caddeeyay in Soomaaliya iyo Kenya aay arrinta badda ku dhameysan doonaan hab xaal mastuur ah oo wada hadal ah. Warqaddan oo ayaa waxaa heshay Caasimada Online.

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Nairobi ayaa waxaa uu ku noqday caqabad ka daran Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxman Cabdishakur arrimaha badda Soomaaliya, iyadoo dad badani aay aaminsan yihiin magacaabistiisaba iney ka danbeysay in uu fududeeyo arrimaha Badda Soomaaliya.

 

clcs2

imageArrintan oo uu baarlamaankii ku meel gaarka ahaa uu laaday isla markaana aay diideen in aanay gelin wax gor-gortan ah badda Soomaaliya.

Baarlamaankii ku meel gaarka ahaa iyo RW CCC oo markaa bixiyay Badda Soomaaliya ayaaa waraaq u qoray qaramada midoobay iyagoo markaa diiday in MoU Somalia iyo Kenay uu yahay waxba kama jiraan. HALKAN KA AKHRISO Waxaa dad badan is weydiinayaan sababta aay uga aamusan yihiin baarlabaanka hadda jira. Iyadoo la wada ogsoon yahay in Guddoomiyaha Baarlabaanka uu wax la wado dowladda Norway oo arrintan dhaqaale ku bixineysa sidii Kenya aay ula wareegi lahayd badda Soomaaliya.

Waxaan arrintan si aad ah uga hor yimid oo diiday wasiirkii Arrimaha Dibadda Cabdiraxman Beyle, isagoo markaa waraaq u qoray xoghaya qaramada midoobay Ban-Ki Moon. Wasiir Beyle oo markaas aha wasiirkii u gudbiyay dacwadda ka dhanka ah Kenya maxkmadda caalamiga ah HAIG.  Halka hoose ka akhri waraakhdii wasiir Beyle uu u qoray Ban-Ki Moon.

Waxaa dorraad oo Bisha November ay ahayd 8 booqasho ku yimid magaalada New York RW CCC oo aay wehliso oo kaliya Xaaskiisa. R/W ayaa gebi ahaanba ka soo tegay in ay soo raacaan wasiirada Xukuumaddiisa ka tirsan oo Nairobi la joogay laba maalin ka hor. Waxaa iyana jirta in R/W uu shir ay albaabada u xiran yihiin uu la galay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta maalintii Sabtida ahayd.

Waxaa ayaan darro ah oo shacabka Soomaaliyeed maanta uu ka hiilliyay Baarlabaanka JFS oo ugu horreeyo Guddoomiyaha Maxamed Cusmaan Jawaari. Baarlabaanka JFS ayaa baal madow ka galay taariikhda Soomaaliya, iyagoo lagu soo xusuusan doono in aay yihiin kuwii laaluush ku doorsaday hantidii iyo baddii Soomaaliya.

Waa kan subc-ommisionka garta badda Soomaaliya goyn lahaa magacyadoodii:

1 – Awosika, Lawrence Folajimi (Nigeria)
2 – Carrera Hurtado, Galo (Mexico)
3 – Heinesen, Martin Vang (Denmark)
4 – Madon, Mazlan Bin (Malaysia)
5 – Marques, Jair Alberto Ribas (Brazil)
6 – Oduro, Isaac Owusu (Ghana)
7 – Park, Yong Ahn (Republic of Korea)

 

pm1 pm2 pm3 pm4

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/11/BAYLE_STATEMENT-OF-UNDERSTANDING_2014_02_04.pdf” width=”1400″ height=”1180″]

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/11/1-Kenya-and-Somalia-CLCS-Commission.pdf” width=”1120″ height=”1060″]