Xog: Xasan Sh. oo beelaha Hiiraan ku qanciyay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya ka hor inta uusan u duulin dalka Uganda uu kulamo kala duwan la qaaday dadka kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd sidii dadkaasi looga dhaadhicin lahaa in wax ka badalid lagu sameynayo gudiga farsamada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe maamulka loo sameynayo.

Masuul ka tirsan maamulka Hiiraan ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in madaxweynaha uu ku qanciyay beelaha uu la kulmay in gudigaasi wax laga badalayo ama la kala dirayo.

Sheikh Xuseen Cismaan, oo kamid ah xubnaha maamulka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in kulankaasi dadkii ka qeyb galay uu isaga la kulmay ayna u sheegeen in madaxweynaha ku qanciyay wax ka badalida gudiga farsamada maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxaa socdo qorshe wasaarada arimaha gudaha looga dambeynayo shirarka maamulka loogu sameynayo labada gobol islamarkaana gudiga farsamada la kala diro.

Balse wasiirka arimaha gudaha ayaa ku adkeysanaya in gudigaasi yihiin gudiga rasmiga ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, islamarkaana aan waxba laga badali doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com