Mas’uul xil muhiim ah u hayey DF oo la toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad Hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Sheekh Xuseen Maxamed Cali oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Dilka Mas’uulkaani ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Yaaqshiid, waxaana weerarkaasi fuliyay Seddex maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolado.

Dilka ayaa dhacay xili uu Gudoomiyaha ku sugnaa meel ku dhow hoygiisa oo ku yaala Degmada Yaaqshiid, waxa uuna weerarkaasi dhacay xilli uu kasoo laabtay Masjid ku dhowaa hoygiisa oo uu kusoo dukaday xiligaasi.

Maleeshiyaadka falkaasi dilka ahaa geystay ayaa ka baxsaday goobta iyadoona halkaasi ay gaareen Ciidamada Dowladda kuwaasi oo bilaabay howlgallo baaritaano ah.

Majiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dilkaasi, mana jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda falkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com