Sawirro cusub: Muuqaalka Sheekh Shariif oo si weyn isu beddelay kana soo degay magaalada…

Ankara (Caasimada Online) – Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laguna daah furaayay Hay’adda Samadoon foundation ee uu Sheekh Shariif Aas ayaa lagu qabtay dalka Turkiga.

Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen Midowga  Ardayda Soomaaliyed ee wax kabarata dalka Turkiga ayaa waxay ay ka dhacday caasimadda dalkaasi Turkiga ee Ankara.

Waxaa ka soo qayb galay xaflada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh  Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socday oo uu ugu horeeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Abdullaahi Maxamed Ali (Sanbaloolshe ) ıyo sidoo kale guddoomiyaha Hay’adda Samadoon Foundatıon Profosoor Warfaaa.

Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay xafladda dhamaan shaqaalaha safaaradda, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kala duwan ee dalka Turkiga, jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magaaladda Ankara iyo  marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wafdi ka socdo xisbiga haya talada dalkaTurkiga   ee AKP ee uu hogaamiye madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Xafladda oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa qudbado ka jeediyay mas’uu liyiintii ka soo ayb gashay,  iyadoo sidoo kale xafladda laga soo jeediyay gabayo ar ardayda soo diyaariyeen oo lagu bogaadiyay mudane Sheekh Shariif iyo wixi uu ka soo qabtay dalka Soomaaliya iyo inuu wali u taaganyahay inuu sii wado wax u qabashada wadankiisa Soomaaliya.

Ardaydi xafladda ka hadashay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin madaxweynihii hore ugana mahad celihaayaan xiriirka wanaagsan ee Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeeyo oo uu sabab u ahaay sidoo kale wax barashada ay ka heleen dalka Turkigana ay abaal weyn uga haayaan Madaxweyne Sheekh Sharii f oo sabab u ahaay in ay helan wax barasha iyo nolol lacag la’aan ah.

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga  Abdullaahi Maxamed Ali (Sanbaloolshe ) oo sheegay in uu madaxweynaha wadanka soo hoggaamiyay xilli adag wadankana uu soo gaarsiiyay meel  lagu fani garo, isagoo u sheegay madaxweynahana in ay guul la taabankaro gaareen ardaydi uu wax barashada u soo diray oo ay qaybo ka mid ah qalin jebiyeen qeyb ka mid ahna ay sanadaha soo socdo qalin jebinaayaan.

Ugu dambeyntii  waxaa xafladda ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka  soo jeediyay xafladda, waxaa uuna sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu arko ardaydii uu wax barashada u soo diray oo guuleysatay intooda badam wax barashada u dhamaato inta dhimanna uu guul u rajeynaayo,  waxaa uu sidoo kale kula dardaarmay ardayda in ay wadankooda ku laabtaan marki ay wax barashada u dhamaato,

‘’ haddi ay wax barashada i diin dhamaato waxaan idin kula dardaarmaa inaad wadankiina ku laabataan oo aad ummaddiina u qidmeysaan, waa ay idin baahantahay waxaan maqlay warar sheegaayo in qaar idinka mid ah ay ku fikiraayaan inay marki ay shahaaddada qaataan ay horey u sii socdaan horay inaad aaddaan micno ma soo kor dhineyso,  waxaaad dhex geleysaan ummad 10 fac iyo in ka badan ay jaamacaddo soo dhigahaayeen, waad ku dhex dhumeysaan xitaa la qabsiga ayaa dhib idinku noqon doono mana ka soo dhex muuqan kareysiin, lakin wadankiini iyo dadkiini waa idin bahanyihiin wax baddan waa ka bedeli kareysaan hadaad  is kaashataan ‘’ ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha ardayda ku baraarujiyay in aysan caawinaad cidna ka sugin ee ay ayagu is caawiyaaan ayna  ka qeyb qaataan Hay’adda Samadoon Foundation oo ay noqdaan dadka hormuudka ka ah is caawinaadda iyo is garab qabashada.

Su’aalihii ay ardaydu weydiiyeen mudane Sheekh Shariif  waxaa ka mid ah ahaa “Mudane madaxweyne siyaasadda iyo hoggaanka dalka dib ma ugu soo laabaneysaa”   waxa uu ku jawaabay raggi iga dambeeyay haddi ay iga fiic naadaan waa iska joogaa lakin haddii ay amaani ka soo yeri weyso waan soo socdaa.

Ugu dambeen, ayaa madaxweynaha waxaa lagu guddoon siiyay shahaadda sharaf taa oo looga mahad celihaayay wax barashada ay ardaydu ka heshay walaalaha Turkiga iyo xiriirka wanaagsan ee ay Turkigu la leeyihiin dalka Soomaaliya.

shariif 1shariif 2shariif 3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com