Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdifatax Cabdulqaadir Faarax ayaa xarunta Wasaaradda kulan istiraatiiji ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday hay’adda cuntada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), oo ay hoggaaminaysay Marwo Verenica Mutiro, madaxa barnaamijyada FAO ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay agaasimaha waaxda kormeerka iyo qiimaynta, Maxamuud Siciid Nuur iyo madaxda qaybaha kala duwan ee waaxda kormeerka iyo qiimaynta.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo FAO, iyadoo mudnaanta la siinayo waafajinta taageerada FAO iyo himilooyinka ku cad qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025–2029).
Labada dhinac ayaa isku raacay in la dejiyo meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga mustaqbalka, gaar ahaan sugnaanta cuntada, horumarinta wax-soo-saarka, adkeysiga bulshada iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo saddex sano ah, kaas oo hagaya wada-shaqeynta, mudnaanta barnaamijyada iyo natiijooyinka la filayo in la gaaro.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta dadaallada abaabulka kheyraadka, si loo helo maalgelin dheeraad ah oo taageerta mudnaanta horumarineed ee dalka, loona dardargeliyo hirgelinta barnaamijyada saameynta leh.
Agaasimaha guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed lagu saleeyo mudnaanta qaranka, natiijooyin la cabbiri karo, iyo isla xisaabtan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo shacabka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad lagu sii xoojinayo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee wasaaradda iyo FAO, iyadoo la dardargelinayo qorsheynta wadajirka ah, isku-duwidda barnaamijyada, iyo taageerada horumarinta qaranka.













