Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay iska hor-imaad ka dhacay xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis, isagoo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ku lug leedahay waxa uu ku tilmaamay “dhulboob iyo barakicin lagu hayo shacabka danyarta ah.”
Kheyre oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen dad rayid ah, isla markaana ay dhacdadaasi sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku hawlan dhulboob, uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.
Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaan Alle ka baryayaa inuu u naxariisto shacabkii uu talisku ku dilay weerarkan, una booga-dhayo intii uu ku dhaawacay.”
Kheyre ayaa sidoo kale dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii dowladdu ku joojisay baneynta dhulka danta guud, maadaama ay weli sii socdaan falal uu ku tilmaamay boob dhuleed, barakicin iyo gabood-fallo ka dhan ah shacabka.
“Waxaa amakaag iyo ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday, oo horay u sheegay inuu joojiyay dhulboobka, uu maanta ku hawlan yahay boobka dhulka danta guud, barakacinta danyarta iyo xasuuqa shacabka. Taas oo tusaale nool u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka taliska Madaxweyne hore Xasan Sheekh, oo caadeystay gabood-fallo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaas oo wiiqaya kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.”
Sida uu sheegay, falalka noocan ah waxay dhaawacayaan kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladda, sidoo kalena caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha uu jeediyay Xasan Cali Kheyre ee la xiriira dhacdadii ka dhacday xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis.

