Caddeyn: Wasiirada DF oo ku kala qaybsamay fulinta go’aan ay gaartay xukuumada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata in qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay siyaabo kala duwan u fulinayaan go’aan ay wadajir u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya, iyadoo uu shir guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Go’aanka uu wali jahwareerka ka jira islamarkaana ay wasiirada qaar fuliyeen qaarkoodna ay sii dalacsiiyeen ama ay siiyeen awood dheeraad ah ayaa waxa uu yahay baabi’inta xilka xoghayaha joogtada ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa heshay farqi u dhaxeeya iyo kala qaybsanaan ka jirta wasiirada Kheyre,  taas ku kooban go’aan wadareedkii shirka xukuumadda Soomaaliya waxaana ugu dambeeyay wasiirada amniga iyo ganacsiga Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda aminga xildhibaan Maxamed Abuukar Islaw Ducaale ayaa shalay baabiiyay xoghayaha joogta ee wasaaradda, isagoo sheegay in uu raacayo go’aankii golaha wasiiradda ee lagu baabiiyay xoghayayaasha joogtada ah ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, halka shalay markii labaad wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan kusime wasiir ka dhigay xoghaye joogto ah oo la baabi’iyay.

Arintaan ayaa u muuqata in cadeyn u tahay in aan si is kumid ah loo fulin go’aan ay wadajir u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya waana hadal heynta ugu weyn ee maanta ka taagan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Halkaan ka aqriso cadeynta warbixintaan ku saabsan jahwareerka ka jira fulinta go’aanka xukuumadda Kheyre. Warqadda koowaad waa tan wasiir Ducaale, labada warqad ee xigana wasiir Cabdullaahi