Xisbiga Kulmiye oo war aan la filayn ka soo saaray qabsoomida doorashoyinka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa maanta war cusub ka soo saaray qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Axmed Dheere, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in doorashadu waqtigeegi ku qabsoomeyso, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn mooshinku uu laalay golaha wakiilada Somaliland.

Axmed ayaa sidoo kale waxa uu xisbiga Kulmiye ka difaacay eedihii kala duwanaa ee xisbiyada Mucaaridku u jeediyeen, wuxuuna yiri “Sadexda xisbi waxay ku heshiiyeen in mooshinkaas loo gudbiyo golaha wakiilada in laga dhigo sagaal iyo inuu todobadiisii ahaado, heshiikuna kaas ayuu ahaa kii ay yidhaahdaana ay doorashadu halkaas ka sii socoto oo ay qabsoonto”.

“Kulmiyena kuma laha eed oo waa waxii aanu ku heshiinay Waddani iyo Ucidna ku eedayn mayno waa arin u yaala oo aanay cidna la lahayn baarlamaanka. Heshiiskayagu waxa uu ahaa in aan u gudbino tabashada ay tabanayaan xisbiyada mucaaradka ah ee ah sagaal ha laga dhigo xubnaha komishanka”.

“Hadaanu nahay xisbul xaakimka may ahayn fikirkayaga tanaasul aanu yeelanay xisbiyada mucaarada ah ayay ahayd waanuna ku heshiinay oo qoraal ku kala qoranay in loo gudbiyo iyada oo saddexda xisbi ay wada jiraan golaha baarlamaanka goluhuna uu go’aanka baarlamaaka ayuu la yaalaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Hadii ay yeelaan iyo haddii ay diidaanba in aanu hawlaha kale ee ku gadaaman doorashada sidii aanu uga wada shaqayn lahayn aanu falowgeed qabno, haddii ay sagaal ka dhigaan iyo hadii ay todobada ku daayaanba”.

Si kastaba, Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili uu Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu shaaciyey in uu gebi ahaanba ka baxay heshiiskii ay dhawaan wada galeen saddexda xisbi qaran ee Somaliland, isla markaana xisbiga Kulmiyeku eedeyay inuu jabiyey qodob kamid ah heshiiskii ay ka wada gaareen qabsoomida doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com