Cadeymo sii adkeyn kara dambiyada loo heysto CABDI ILEY oo la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in la helay xabaal wadareed ay ku aasan yihiin dad tiro badan oo la rumeysan yahay in la aasay xiligii maamulka Cabdi Maxamuud Cumar.

Xabaal wadareedkaan ayaa waxaa ku aasnaa inka badan 200 oo ruux, kuwaasi oo la rumeysan yahay in la dilay xiligii dagaalka uu u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, waana arin sii cusleyn karta Kiiska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi Maxamuud, ayaa kasoo muuqanaya maanta maxkamad ka duwan middii lasoo taagay Afar jeer, iyadoo lagu eedeeynayo kicin Shacab iyo isku dhacyada Jinsiyadda ku salaysan ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, isagoo si toos ah u adeegsanaya Ciidanka Liyuu Boliiska.

Lama aqoonsan ilaa iyo hadda jinsiyaddaha meydadka laga helay deegaanada kala qeybiya Soomaalida iyo Oromada oo marar badan lagu dagaalamay, waxaana arintan ay kusoo aaday iyadoo la raadinayo cadeymaha kiisaska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa is casilay Bishii August ee Sanadkan, waxaana xabsiga loo taxaabay Todobaadyo ka dib, markii rabshado lagu eedeeyay taageerayaashiisa ay ka dhaceen Magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Gobolka Soomaalida.

Maanta ayaana la filayaa in marqaatiyaal la geeyo maxkamadda lasoo taagayo si loogu marqaati furo eedeymaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com