Puntland oo mamnuucday dhageysiga VOA-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday Wasaaradda warfaafinta Maamulka Puntland, ayaa lagu mamnuucay in deegaanada maamulka laga dhageysto idaacadda VOA-da laanteeda Afk-Soomaaliga ee deegaanada Puntland.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay sheegtay in eedaynta VOA loo haysto ee shaqada looga joojiyey loo gudbin doono Maxkamadda ku shaqada leh, inta ka horraysana aysan wax shaqo ah ka qaban doonin Puntland lagana dhagaysan doonin.

Wasaaradu waxa ay sidoo kale, amar kusoo rogtay FM-yada maxaliga ah ee baahiya codka VOA-da xiliyada wararka, waxaana lagu amray in ay joojiyaan tabinta inta eedaymaha VOA-da loo gudbinayo maxkamadda, iyadoo gudoomiyeyaasha gobolada iyo taliyaasha la faray in ay xil iska saaraan arrinkaasi.
jojin