XOG: DF oo Muungaab ka xayirtay inuu lacag ka bixiyo Khasnada dowladda hoose ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo shalay Muqdisho yimid maalin kadib xil ka qaadistiisii ayaa laga xayiray inuu bixiyo wax lacag ah, iyadoo laga xayiray khasnada dowladda hoose ee Muqdisho ku leedahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya in saxiixiisa looga saaro lacagta u taalla maamulka gobolka Banaadir.

Muungaab ayaa la sheegay in isla markii uu ku soo laabtay Muqdisho isagoo aan soo dhaafin garoonka uu amar ku bixiyay in la bixiyo lacago kala duwan, isagoo la xiriiray saraakiisha Bankiga Dhexe oo joojiyay jeegag fara badan oo dadkii sita ay ku doonayeen inay lacago kala baxaan khasnada dowladda hoose.

Mas’uuliyiinta Bankiga Dhexe ayaa u sheegay Muungaab in lagu dhaqayo iska xeerkii loo maray Guddoomiyihii ka horeeyay ee Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) in guddoomiye xil laga qaaday aanu lacag la bixi karin, balse isla markii waxaa qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha lagu ogeysiiyay Bankiga dhexe inaan wax lacag laga bixin karin Khasnada dowladda Hoose ee Muqdisho.

Dad fara badan oo hore jeegag loogu qoray, kuwo cusub oo lacag ka maqan tahay iyo dadweyne kale oo Muungaab ay ku balansanaayeen arrimo kala duwan ayaa haray buux dhaafiyay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho, waxaana ugu darnaa dad fara badan oo sheegaya in lacag deymo ah uga maqan yihiin gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com