Muungaab oo laga cabsi qabo inuu ku dhaqaaqo arrin culus iyo siyaasi ka hadlay arrintaasi (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo laba maalin ka hor xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa waxaa xil ka qaadistaasi ka hor imaaday tirro Siyaasiyiin ah.

Maxamed Maxamuud Nuur oo kamid ah Siyaasiyiinta sida aadka ah u falanqeeysa Siyaasada dalka kana mid ahaa Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somalia, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku degdegay xil ka qaadista Muungaab.

Waxa uu sheegay Siyaasiga in wadanka uu ku jiro xili kala guur ah, sidaa awgeedna aysan wanaagsaneyn in xiligaani la sameeyo xil ka qaadis sababo la xiriira amaanka.

Wuxuu tilmaamay in xil ka qaadistaasi ay dhalinkarto in dalka uu ka dhaco kacdoon Siyaasadeed, taasina ay sababi karto in carqalad hor leh uu dalka soo wajaho.

Waxa uu sheegay inuu Jeneral Mungaab wax badan qabtay muddadii uu hayey Xilkaasi, islamarkaana uu Madaxweynuhu ku degdegay Go’aankaasi.

“Anigu aragti ahaan maqabo in xiligaani la sameeyo xil ka qaadis, haddii uusan xil kale u dhiibaynin madaxweynuhu cida uu xil ka qaadis ku sameeyo”

Dhanka kale, waxa uu ka digay in qalalaaso siyaasadeed dhacaan, islamarkaana uu Mungaab wax badan isku maleegi karo, gaar ahaan Dukumentiyadda dhulalka la isku haysto.

Waxa uu cabsi xoogan ka muujiyay in maalmaha ka harsan xil wareejinta uu Muungaab isdaba mariyo Dukumiintiyada uu gacanta ku hayo iyo dhulalka qabyada u ah.

Waxaa dhici karto ayuu yiri in dib loosoo bilaabo dacwadihii la xiriiray dhulalka la kala iibsaday iyo kuwa lagu sameeyay isdaba-marinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com