Xog culus: Naaneysta duqa cusub ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online oo maalmihii tagtay daba-gal ku haysay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahan duqa magaalada Muqdisho, ayaa soo ogaatay naaneystiisa.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxaa lagu naaneysaa “Yuusuf Boorsaani”, magacaas oo ay ugu yeereen dadka muddo fog yaqaaney. Balse Yuusuf, waxa uu iminka la baxay naaneys cusub oo ah Madaale.

Magacan ayaa waxaa uu ku dheggay mar uu sanadihii sagaashamaadkii uu la shaqeyn jiray Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, oo uu ahaa gacanyarihiisa lacagta.

Sida dad aqoon wanaagsan u leh “Yuusuf Boorsaani” ay Caasimada Online u sheegeen, maadaama wixii lacag ah ee loo baahdo asaga la weydiin jiray, ayaa la raaciyey magacaas oo macnihiisa dambe u dhacayo inuu ahaa boorsadii Muuse Suudi Yalaxow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com