Xog: Cabdikariin Guuleed iyo Cabdi Qeybdiid oo wada shirar qalqal galiyay Maamulka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socto ololooyin Siyaasadeed ka dhan ah Maamulka Puntland.

Ololahaasi ayaa waxaa wado Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo cabdiqaybdiid, oo shirar xasaasi ah la kala qaadanaaya Odayaasha iyo Siyaasiyiinta halkaasi ku nool.

Shirarka ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo xiisad Maamulka Galmudug kala dhexeysa Puntland iyo mid iminka ka taagan Suuqa Darxumo ee Gaalkacyo kaasi oo isna leysku heysto.

Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdi Qaybdiid ayaa Odayaasha iyo Siyaasiyiinta hordhigay ajandayaal kuwaasi oo ku aadan arrimaha ay damacsanyihiin oo ah in waxbadan laga bedelo hanaanka Siyaasadeed ee Maamulka kala dhexeeya Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo in si mideysan looga hortago duulaanka Siyaasadeed ee Maamulka kala dhexeeya Puntland.

Kulanka Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ayaa waxaa xigay isna kulan kale oo ay la qaateen saraakiisha ciidanka, iyadoona sidoo kale kulankaasi kadib ay booqdeen Saldhig ciidan oo ku yaala Xadka Puntland iyo Galmudug kaas oo ay kula hadleen ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug.

Shirka saraakiisha walow aan si rasmi ah loo ogaan karin arrimaha lagu falanqeeyaya iyo waxa la isku afgartay ayaa waxaa uu kusuoo beegmayaa xili xiisad ay ka taagantahay Suuqa Darxumo iyo wado laami ah oo Xaafada garsoor laga dhisay lana doonayo in lagu daro dhanka jidka wayn ee lamiga.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa dareen gaar ah ka qaaday kulamadaasi siyaabaha qarsoon u dhacaaya, waxa ayna durbadiiba muujisay feejignaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com