Sawirro: DF ma mudan tahay in canshuur lasiiyo mar hadii wadooyinka Muqdisho ay sidan yahiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadadaani burbursan ee idiin muuqata ayaa kamid ah wadooyinka halboolaha u ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia waana wadada loo yaqaan ”wadnaha” oo isku xirta dhowr Isgooys.

Wadadaani ayaa waxaa isticmaala gaadiidka BL-ka, Raaxada iyo kuwo rarka qaada ee xamuulka ah, mana jirto kalsooni ay ku maraan waayo waxaa ka dhex qodan bartamaha wadooyinkaasi boholo waaweyn oo biyo dageen ah oo aysan gaadiidka u saamaxeynin.

Xiliyada roobka ayaa waxaa istaaga isticmaalka wadada wadnaha laga soo bilaabo Tarabuunka ilaa sanca sababo la xiriira roobabka da’a waxa ayna gaadiidku isticmaalan wadooyin qarda jeex ah oo dhexmara xaafadaha.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay DF Somalia ma mudan tahay in lasiiyo Canshuurta ay dalbaneyso amaba ay shacabka Soomaaliyeed ku canaanato dadajinta dhismooyinka ama dayactirka guryaha burbursan?

Muuqaalka Sawiradaani ayaa muujinaaya Mas’uul darida DF Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh, oo aan haba yaraatee iska xil qaamin dhismaha wadooyinka, waxaana xusid mudan in Magaalada Muqdisho oo idil laga dhisay hal laami kaasi oo hor mara Villa Somalia, inkastoo isaguba uu wali yahay mid qabyo ah.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17