Cagjar oo XOG cusub ka bixiyey weerarkii Al-Shabaab ee dowlad deegaanka

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa wareysi uu siiyey VOA-da, laanteeda Axmaariga wuxuu kaga hadlay dagaalkii ciidamada Liyuu Boolis ay Al-Shabaab kula galeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cagjar ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan duulaankii ay Al-Shabaab ku qaadeen dowlad deegaanka Soomaalida, kadib markii ay u tallaabeen Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ragga u dagaalamayey Al-Shabaab ay badi yihiin Itoobiyaan, kuwaas oo loo abaabulay inay qal-qal-galiyaan amniga deegaanka.

“Kooxdii soo gashay deegaanka Soomaalida waxay ahaayeen koox la magac baxday Mujaahidiinta Itoobiya, oo ay Al Shabaab usoo abaabushay inay qalqal-galiyaan amniga Itoobiya, kuwaas oo badankood Itoobiyaan ah,” ayuu wareysiga ku yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xogtaan ay ku ogaadeen wareysiyo laga qaaday maxaabiistii laga qabtay Al-Shabaab, inta uu socday dagaalka labada dhinac.

Mustafe Cagjar ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay saldhigyo ka sameystaan qaybo ka mid ah deegaannada Soomaalida iyo Oromada, gaar ahaan buuraha dhinaca Ceelkari iyo Baali iyo inay ka barbar dagaallamaan Jabhadaha ka howlgala gudaha Itoobiya.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya, ayada oo haatan la soo afjaray dagaalkii ka socday dhanka degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka ay wadaagaan waddamada Soomaaliya iyo  Itoobiya, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda guud ay haatan tahay mid dagan.