Cali Cabdullaahi Cosoble: Waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay culeyska Dowladda Federaalka Somaliya ay saartay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo daba-yaaqadii sanadkii 2017 ay dowladda xilka ka eriday ayaa sheegay kuwa maanta uu culeyska haysto in ay ku qoslayeen markii xilka laga eryayay, isla-markaana uu maanta ku faraxsan yahay dhibaatada ay ka cabaadayaan.

Madaxweyne Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhinacyadaasi uu soo dhaweynayo, isagoo xusay in dalka Somaliya ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegashada.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidatan:-

Soomaaliya waa waddan ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegadka iyo is dulminta, sababtoo ah kama dhiidhiyaan khaladaadka ee wey isku eegtaan, markaasuu midba maalin cabaadaa.

Mac sokor ayey ku tahay Jubbaland, waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Koofur Galbeed ha iska daba wareegato, Galmudug, Hirshabeelle ha bakhtiso, Puntland ha faquuqnaato. Airporska ha la iska celiyo, guryahana ha la isugu daato. Doorashadana dib ha loo dhigo. Intaba waan ku faraxsanahay.

Ha la wada dhadhamiyo xaraarka uu dulmiga leeyahay. Xaraarka dulmiga wuxuu isu bedelaa macaan markaad aragto kii shalay kugu qoslaayay oo maanta cabaadaya.

Nin walboo dulmi ka sheeganaya waxaan leeyahay ‘Welcome to the club’, albaabadana wey furan yihiin. Dulmiga wuu bilowdaa ee ma joogsado.