Cali C/llaahi Cusub oo beeshiisa u caleema saartay madaxweynaha maamul cusub: Sawirro

Baladweyne (Caasimada Online) – Cali Cabdulaahi Cosoble oo xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle kalsoonida kala laabteen markii ay ku eedeeyeen waajib gudasho la’aan ayaa magaalada Beledweyne uga dhawaaqay inuu yahay madaxweyne maamul cusub oo ee Hiiraanland.

Waxgarad iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka qeybgalay xafladda caleema saarka Cali C/llaahi Cosoble oo noqonaya madaxweynaha maamul fowdo ku dhisan oo saacado yar lagu dhisay kana kooban gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Sare oo ah gobol markii xilka laga qaaday uu ku dhawaaqay, ujeedadii ka danbeysayna ay aheyd tallaabada uu ku dhawaaqay ee maamulka fowdada ku dhisan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibrahim ayaa sheegay in xildhibaanada Hirshabelle ay laaleen isla markaana burburiyeen nidaamkii hore loogu heshiiyay iyo dastuurkii Hirshabelle, sidaasi darteedna ay dhisteen maamul u gaar ah.

Arrintaan ayaa noqoneyso wax lala yaabay oo sharci dhismaha nidaamka maamul goboleedyada hareersan.