25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Jayte oo shaaciyay sababta Shabab uga qabsatay Maxaas

Bookmark
Bookmarked

Share

Maxaas (Caasimada Online) – Eregyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda, Cali Jayte Cismaan oo goob fagaare ah kula hadlayay ciidamada ayaa shaaciyay sababtii ka dambeysay in Al-Shabaab ay qabsadaan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Cali Jayte ayaa mas’uuliyadd darrada dhacday dusha u saaray ciidamada Xoogga dalka ee joogay magaaladaasi, wuxuuna tilmaamay inay dhabarka xijiyeen Al-Shabaabkii soo galay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in wax dagaal ah aysan gelin ciidamada dowladda, taasina ay keentay in rag ka kooban lixdan nin oo kaliya ay qabsadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

“Maxaas nimanka yimid, lixdan nin ayay ahaayeen, ciidan fara weyn oo millitari ahna waa joogay, xabad kuma aysan ridin oo waa ay dareereen”,ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan loo baahan yahay in la xoojiyo dagaalka, lana dardageliyo, si dib loogu laabto deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen Al-Shabaab.

Xaaladda Maxaas ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo culus oo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Hiiraan, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Kooxda ayaa horay ula wareegtay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxda.

Si kastaba, la wareegitaanka degmada Maxaas oo 13 sano ahayd saldhig muhiim ah oo laga hago dagaalka ayaa muujineyso guul-darro kale oo soo gaartay ciidamada isbaheysanaya, maadaama ay ahayd degmo laga hoggaamiyo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

- Advertisement -

Read more

Local News