Galeyr oo wasiiro ka dhigtay Rag Somaliland & Maamulka Siilaanyo oo ay Siyaasadu ku xuntahay (Aqriso)

Saaxdheer (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa goordhow ku dhawaaqay xubnaha wasiiradda maamulka Khaatumo State.

Haddaba Shabakadda Caasimada Online ayaa la soo gaarsiiyay nuqul ka mid ah liiska xubnaha wasiiradda maamulka Khaatumo.

Xubnaha wasiiradda cusub oo ka kooban 8-xubnood waxaa ku jirra shaqsiyaad horey uga mid ahaa maamulka Somaliland.

Halkan hoose ka akhriso Liiska xubnaha wasiiradda cusub.

Maxamed Cali Cartan -Wasiirka Wasarada Arimaha dastuurka iyo Federalka …Taleex

Mukhtaar Ciise Faarax- Wasiirka Wasaarada Macdanta & Biyaha… Boocame

Xasan muuse Cawl- Wasiirka Wasaarada Maaliyada…  Carooley

Axmed Gacmo yare-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta… Dharkayn geenyo

Kayse Cabdi yusuuf- Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta… Widh widh

Faarax Cade Faarax – Wasiirka Wasaarada Arimaha Bulshada… Ceegaag

Ismaaciil Axmed Cali-Wasiirka Wasaarada amniga…. Buuhoodle)

Ibraahim Guure-Wasiiru Dawlaha Xanaanada Xoolaha,….. Laascaanood

Waxaa sheegis mudan in Cali Khaliif Galey uu xilka wasiiradda cusub ku dhawaaqay deegan uu qax ku yahay xilli degannada maamulkiisa ay weli ku sugan yihiin ciidamada maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com