Muxuu yahay shirka ka dhacaya Garbahaareey?

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah shir jaraa’id ku qabtay seddax xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan kuwaasoo sheegay in 20ka bishan magaalada Garbahaareey lagu qaban doono shirweyne hor dhac u ah kan ka dhacaya Kismaayo.

Xildhibaannada shirka jaraa’id qabtay ayaa kala ah Maxamuud Cali Magan, Nuur Faarax iyo Cabdifataax Nuur Mataan, waxaana ay dhammaan sheegeen in ay ka soo horjeedaan shirka berri ka furmaya Kismaayo oo ah wajiga 3-aad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Xildhibaan Maxammuud Cali Magan ayaa carabka ku dhuftay in shirka ka dhacaya Garbahaareey uu hordhac u yahay kan ka dhacaya Kismaayo 1-da October kaasoo la doonayo in maamul loogu dhiso dadka deggan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay oo kale in dowladda ay ku wargalisay shirka Kismaayo in uu dhacaayo 1-da bisha October balse shirka berri ay wataan maamulka Axmed Madoobe sida uu yiri.

Sidoo kale Nuur Faarax ayaa isna sheegay in shirka Kismaayo ay dowladda iclaamisay in uu furmo 1-da bisha October balse ay la yaaban yihiin shirka berri furmaaya.

Hadalka xildhibannadan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii shaley uu shir jaraa’id ku qabtay korneel Barre Aadan Shire Hiraale kaasoo ku eedeeyay in maamulka Axmed Madoobe iyo IGAD ay wadaan qorshe ka duwan kii lagu ballamay, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in la dhaqangaliyo wixii ballan ahayd.

Barre Hiiraale waxaa kaloo uu sheegay.

Si kastaba, maamulka Axmed Madoobe ayaa isna ku adkeesanaya in shirka wajiga seddaxaad uu furmaayo 16-ka bishan oo ah maalinta berri ah.

Dowladda ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin mowqifkeeda ku aadan qorshaha maamulka Jubba uu berri Kismaayo uga furaayo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com