JAWAARI oo u jawaabay Puntland sheegayna in hadalka uu sheegay uu ahaa…..

Baydhabo (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay hadal la sheegay in uu ka yiri magaalada Baydhabo kaasoo ahaa in magaalooyinka Puntland lagu dhibaateeyo dadka ka soo jeeda Baay iyo Bakool.

Jawaari ayaaa sheegay in si khaldan loo baahiyay muuqaalka khudbo uu jeediyay 11-kii September, 2013-kii.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay shirka dib-u-heshiisiinta bulshada gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose oo shalay ka furmay magaalada Baydhao ayaa tilmaamay in khudbaddiisii oo uu uga hadlayay arrimo kala duwan la jarjaray, dabadeedna lagu baahiyay baraha xiriirka bulshada qaarkood, iyadoo loo ekaysiiyay in ay lid ku tahay maamulka Puntland.

Jawaari ayaa xusay in ay khudbaddiisu ahayd mid bulshada ku dhiirragalinaysay nabadda iyo dhismaha maamullo ay ku qanacsan tahay bulshada, si loo helo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dalka oo dhan.

Wuxuu faafintaas ku tilmaamay mid lagu marin habaabinayo bulshada, ayna ka dambeeyaan dad leh dano gaar ah oo lid ku ah degganaashaha iyo waddaniyadda.

Guddoomiyaha wuxuu meel-ka-dhac ku tilmaamay in si khaldan loo baahiyo hadal uu qof yiri, halkii loo baahnaa in loo gudbiyo sidii uu qofka la xiganayo u yiri, si uu dadku u fahmo xaqiiqada iyo ujeeddada hadalkiisa, wuxuuna warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga u diray farriin uu uga dalbanayo inay wararka u faafiyaan si waafaqsan anshaxa iyo qawaaniinta warfaafinta.

Hadalka Jawaari ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulka Puntland uu si carro leh uga jawaabay hadalka guddoomiyaha baarlamaanka iyagoona yiri waxaa loo baahan yahay caddeen.

Puntland waxaa kaloo ay tiri hadal noocaas oo kale kama filenin guddoomiyaha baarlamaanka oo xil aad u culus ka haya dowladda fedaraalka.

Qaar ka tirsan warbaahinta ayaa maalmahan tebinayay warar ay ku sheegayeen in uu guddoomiye Jawaari horay u jeediyay, kaas oo ka dhan ah maamulka iyo shacabka Puntland, waxaana arrintaas cabasho ka muujiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com