Xog: Shariif Xassan oo Arrin Cajiib ah uga digay DF (Maxey tahay?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Maalinimadii shalay uu shir dib u heshiisiined ka furmay Magaalada Baydhaba, ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Siyaasiyiin iyo Odayaal kala taageersan Labada garab ee Lixda iyo Seddexda Gobol.

Axmed diinow oo kamid ah Odayaasha taageersan Garabka Madoobe Nuunow ayaa waxa uu Xukuumada Somalia uga digay inay kala qeyqeybiso dad walaalo ah oo hal dhinac kasoo jeeda, waxa uuna ugu baaqay inay si sinaan ah hal meel ay isugu keento labada garab xalna ay u dhex dhigto.

Diinow waxa uu sheegay in DF looga baahan yahay inay fuliso ballamihii ahaa inay aqoonsan doonto maadaama maamulka Lixda Gobol uu aad u weyn yahay halka kan Seddexdana uu yaryahay.

Sidoo kale, Shariif Xassan Sheekh Axmed oo isagu taageersan Maamulka Seddexda Gobol ayaa waxa uu Ra’isulwasaaraha Dowlada Federaalka Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uga digay inay isku qasbaan Maamulo aan is rabin.

Shariif Xassan oo kullan Magaalada Baydhaba kula qaatay Labadaasi Mas’uul ayaa waxa uu sheegay in shacabka ku nool Deegaanada ay ka arimiyaan Labada Maamul ay iyaga kala dooran doonaan kan caafimaadkooda uu ugu jiro, balse ay DF kusii fogaan Siyaasada ay ku dooneyso inay kusoo jiidato Maamulka Madoobe Nuunow.

‘’Waxaa ii muuqaneysa in DF ay u jilicsan tahay Maamulka Madoobe Nuunow, wixii xal ah iyadaa laga rabaa balse waxaa loo baahan yahay inay ka fogaato inay dhinac la safato ama ay kusii fogaato Siyaasado aan raali laga aheyn’’

Shariif Xassan ayaa waxa uu kamid yahay Siyaasiyiinta ka danbeeyay dhismaha Maamulka Seddexda Gobol, waxaana la sheegayaa in Arrintaasi ay tahay mid ay la wado DF, balse uu aad uga cabsi qabo inay la rogmato Siyaasada xiligaani taagan oo marba meel u badaneysa.

Dhanka kale, Garabka Madoobe Nuunow ayaa iyagana aaminsan in DF ay wadato Shariif Xassan taasina ay ku sheegen inay tahay tan keentay in si gaar ah ay DF u daneyso Maamulka Seddexda Gobol.

Lama Oga halka uu xaalku gaari doono, waxaase laga cabsi qabaa in DF ay xiligaani si gaar ah u daneyso Garabka Madoobe Nuunow si loogu muujiyo isu soo dhawaansho, waana tan keentay in Shariif Xassan uu ka digo in DF ay u jaranjeersato dhanka Maamulka Nuunow.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com