‘’Waxaa igu maqaalo ah in Puntland loo kala jaraayo saddex qaybood arrintaasi Gaas ayey u taalla’’ Sidaa waxaa yiri …

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey oo kamid ah Siyaasiyiinta Maamulka Puntland, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay Awood ciidan Xiligaani u adeegsadaan Maamulka Puntland oo quwad ahaan ka sareeya Somaliland.

Siyaasiga waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay inay meel ku Ogaadan Muranka ka taagan Deegaanada xiga dhanka Somaliland oo lagu heysto Awooda, waxa uuna sheegay in Madaxweyne C/weli Gaas looga baahan yahay inuu qorshe cad ka yeesho arrinta ku aadan soo celinta dhulka Puntland ka maqan iyo weliba daandaansiga joogtada ah ee ka imaanaya dhanka Maamulka Somaliland.

Mr Yey oo ku sugan Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka ayaa Maamulka Puntland ku guubaabiyay inay Tallaabo ka qaadan Ciidamada Maamulka Somaliland ee xooga ku heysta Deegaanada Hoos yimaada Puntland oo ay sheeganeyso Somaliland.

‘’Waxaa maamulka C/weli Gaas looga fadhiyaa inay Qorshe cad ka keenaan dib usoo celinta Deegaanada ka maqan Puntland, Gaas waxaa laga rabaa inuu ka dhabeeyo haddalkii ahaa inuu soo celin doono dhulka ka maqan Puntland, waa nasiib daro in Gaas uusan weli wax ka qaban’’

Sidoo kale, Yey waxa uu Cadeeyay in Madaxweyne Gaas uu waxbadan kusoo kor dhiyay Deegaanada Puntland balse muhiimadu ay tahay in xal muuqda laga gaaro weerarrada Puntland uga imaanayo dhanka Maamulka Somaliland.

‘’C/weli Gaas waxaan ka sugeynaa inuu noosoo celsho dhulka nagamaqan, difaaca shacabka iyo dhulka Puntland waa waajib’’ Cabdidaahir ayaa sidaas yiri.

Isagoo intaa hadalkiisa kasii anbaqaadayo ayaa waxa uu yiri “sida igu maqaalo ah qorshuhu waxa uu yahay in Puntland loo kala jaro saddex qaybood oo kala ah gobolka Mudug iyo Galgaduud oo la israacinayo, gobollada SSC oo la is raacinayo,iIyo Puntland inteeda kale… waa arrin u baahan in si dhab ah loo baaro oo Puntland ka gasho u diyaar-garow fiican…”

Haddalka Siyaasiga ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay Deegaano hoos yimaada Maamulka Puntland ay awood Militeri kula wareegeen Ciidamo taabacsan Maamulka Somaliland kuwaasi oo xiligaani Furumo ciidan ka sameystay Deegaanadaasi.

Dhanka kale, Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey waxa uu shacabka iyo Ciidamada Puntland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sida ay Maamulka ugu taageeri lahaayen soo celinta Deegaanada ay awooda kula wareegtay Somalilnd.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com