Xasan & Kenyatta oo ku kulmaya USA

Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa aad uga xumaatay dacwo ay ka gudbisay dowladda Soomaaliya oo ku aadan muranka xagga badda ee u dhexeeya labada waddan.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Aamina Maxamed oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in labadan wadan uu u socday wadahadal la xiriira siddii loo dhammeen lahaa khilaafka xagga badda balse dowladda Soomaaliya ay warqad dacwad ah u qortay maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICG.

Waxay sheegtay in Kenya ay aad uga xun tahay tallaabada ay sameesay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay kulan dhawaan ku yeelan doonaan dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York.

Waxay sheegtay in kulankaas si weyn looga hadli doono muranka xagga badda ee labada waddan iyo siddii xal loogu heli lahaa.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna sheegay dowladda Soomaaliya in marar badan ay Kenya ka codsatay in la xaliyo khilaafka xagadda badda balse dhammaan dedaaladaas ay guul darreesteen sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in ay soo dhaweenayaan wahadal kasta oo dhex mara Kenya iyo Soomaaliya oo ku aadan muranka xagga badda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in Kenya ay ku soo xad gudubtay biyaha Soomaaliya isla markaana ay shirkado ajnebi ah oo ay keensatay ay billaabeen shidaal baaris gudaha biyaha Soomaaliya ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com