Dhageyso: C/raxmaan Beyle: Xaq baan u leennahay inaan maxkamad tagno

Muqdisho (Caasimada Online) – Kenya ayaa sheegtay inay ka xun tahay tallaabada ay dowladda Somalia maxkamad ugu gudbisey muran labada dal ka dhexeeya oo la xiriira badda ay wadaagaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya Amina Maxamed ayaa sheegtay in labad dal ay wadahadal u socdeen isla markaana ay lama filaan ku noqotey in dowladda Somalia ay arinta maxkamad u gudbiso.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ayaa la filayaa in dhowaan ay kulan ku yeeshaan magaalada New York si ay uga wadahadlaan murankan.

Daud Aweis ayaa arrimahan ka wareystey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia Dr Abdirahman Beyle Duale. Waxaana uu ugu horeyn weydiiyey sida uu au arko hadalka ka soo yeerey Amina Mohamed  oo ah wasiir dibadeedka Kenya.

Halkan hoose ka dhageyso: Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com