Muqdisho (Caasimada Online) –Â Iyadoo maalinimadii shalay uu Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ka shanqariyay inuusan ka qeybgali doonin shirka dib u heshiisiinta Kismaayo ee lagu wado inuu ka furmo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya halka Amarkaasi uu kasoo baxay.
Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow-dhow Col. Barre Hiiraale ayaa sheegaya in Kullan ku dhawaad Seddex saac qaatay uu Magaalada Muqdisho ku dhex maray Col. Barre Hiiraale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Sade.
Kullanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid salka ku haayay dhiiragalinta Barre, iyadoona halkaasi lagu lafa guray Siyaasadda Axmed Madoobe, waxa ayna isla garteen in shirka Kismaayo ka furmaayo uu yahay mid Col Barre looga qaadayo Xasaanada uu ku leeyahay Deegaanada Jubbooyinka, waxaana la sheegayaa in Dowlada Federaalka Somalia iyo Ururka IGAD ay ku ballameen in Barre Hiiraale la hoos geeyo Axmed Madoobe, isagoona lagu qancinaayo inuu la shaqeeyo Maamulka KMG Jubba.
Falanqeyn dheer kadib ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Waxgaradka Beesha Sade ay Barre ku cadaadiyeen in Arrintaasi uu ka dhaga adeego islamarkaana dib ula laabto goâaankii ahaa inuu ka qeybgalaayo Shirka dib u heshiisiinta Bulshada Jubbooyinka.
Shir jaraaâid oo Col. Barre Hiiraale uu ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu ku sheegay in lagu wargeliyay in shirkii dib u heshiisiinta Kismaayo ee uu horay u aqbalay dib loo dhigay, isagoo shirka Kismaayo ka furmaya 16-ka bishan uu sheegay inuu yahay mid ay wataan Urur-goboleedka IGAD iyo sida hadalka uu u yiri kooxda Axmed Madoobe, laguna doonaayo in lagu jaan rogo goâaankiisa.
Barre oo Siyaasad badan ka kororsaday kulanka uu la qaatay Beeshiisa, ayaa waxa uu iminka ka laabtay gabi ahaan goâaankiisii ahaa inuu ka qeybqaadanaayo shirka.
La laabashada goâaanka Barre ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid ay ka danbeeyen Beeshiisa, taasi oo ay ku dhaliilayaan damaca Axmed Madoobe iyo IGAD.
Dhanka kale, Col. Barre waxa uu ku adkeysanayaa inuu isagu taageersan yahay in dowladdu ay noqoto tan hormuudka u ah shirka dib u heshiisiinta Kismaayo, laakiinse markii uu maqlay in maamulka Axmed Madoobe iyo IGAD ay shirkii dib loo dhigan qabanayaan 16-ka bishan uu shirka jaraaâid qabtay si uu caddeeyo in uusan ka qaybgalayn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

