Xog: Axmed Madoobe oo beelaha qaar ka mamnuucay shirka mag. Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online ) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in shirka halkaasi ka furmaayo ka qeybgalkiisa laga saaray qaar kamid ah Beelaha halkaasi ku nool.

Suldaan Axmed Aw-diini oo kamid ah Salaadiinta Kismaayo ayaa sheegay in weli aan laga gudbin Isfaquuqa ka taagan Kismaayo, waxa uuna Tilmaamay in shirka wajigiisa labaad ka dhacaayo Kismaayo laga reebay Beelaha qaar.

‘’Waxan Dowlada Federaalka u sheegeynaa in ku dhawaad Afar beel degta Kismaayo loo diiday ka qeybgalka shirka Kismaayo, waxaa kamid ah beelaha la diiday gundhawe’’ ayuu yiri Axmed Aw-diini oo intaa ku daray wixii ka dhaca shirka ay Mas’uuliyadeeda qaadi doonto DF.

Sidoo kale, Axmed Aw-diini ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan ka waan-toobeynin kala fogeynta Beelaha dega Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay

Haddalka Axmed Aw-diini, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay waxyar ka harsan tahay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Wajigiisa labaad, waxaana hadalkiisa ka muuqanaaya in weli shirkaasi uu yahay mid qabyo ah.

Dhanka kale, Kismaayo ayaa waxaa ku nool Beelo badan oo iyagu deegaan ahaan halkaasi kasoo jeeda, balse is riix-riix kadib looga tirabatay Deegaan ahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com