Cali Khaliif Oo loo diiday inuu kusoo dago garoonka Buuhoodle iyo xaaladda oo aad kacsan!

Buuhoodle (Caasimada Online) –  Sida ay sheegayaan wararka, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyrdh ayaa loo diiday in diyaarada siday  soo caga dhigato garoonka diyaaradaha Buuhoodle kaddib markii diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday dalka Jabuuti oo uu maalmahan u joogay wada hadalada uu la lahaa Somaliland.

Markii madaxweynaha loo diiday ayaa la sheegay inuu si deg deg ah u go’aansaday inuu ka dago magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, isagoo markii dabana  u gudbay degmada Widhwidh oo u dhow degmada Buuhoodle.

Waxay aheyd lixdii bishaan markii uu ka amba baxay Hargeysa madib markii loo diiday inuu ka dhoofo isla magaaladaan Buuhoodle markii ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo Maleeshiyo beeleed ah.

Dadka reer Buuhoodle ayaa hadal haya ka degitaanka Laascaanood ee Cali Khaliif, iyadoo horay u sheegi jiray in Laascaanood ay tahay magaalo xoog lagu heysto oo ah caasimada Maamulkiisa Khaatumo.

Tallabada uu Khaliif Galeyr ku go’aansaday inuu wadahadal la galo Somaliland ayaa waxaa ka hor yimid siyaasyiin, Odayaal kasoo jeedo Gobolada Sool iyo Sanaag .

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhawaanahaanba isku heystay lahaanshaha  Deegaanada Sool iyo Sanaag waxaana afar sano ka hor kusoo kor baxay maamulka la magac baxay Khaatuma State oo sheegay inuu dhulkaan yahay mid ka madax banaan labadaas maamul ee is dagaalayo.

Haddaba waxaa jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan ciidamo jogo Buuhoodle kuwaas oo doonayo inay ka hor tagaan Cali Khaliif oo isna la sheegay inuu kusoo wajahan yahay magaaladaas.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
Caasimada@live.com