Maxay aheyd farriintii ay wadeyn wafdigii uu Farmaajo u diray Uhuru Kenyatta?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bartiisa rasmiga ah ee twitterka kusoo qoray qoraal uu ku sheegay inay soo gaareyn wafdi ka socday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wafdigaan oo maanta oo arbaco ah la kulmay  Uhura ayaa waxay kala ahaayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ahna kusimaha safiirka Cali Maxamed Sheekh Bagadi.

Kenyatta ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray sidaan “Waxaan la kulmay ergayga gaarka ah ee Soomaaliya iyo Cabdisalaan Cumar oo  Wasiirka arrimaha dibadda, waxayna isoo gaarsiiyee  farriin ka timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed”.

Dhambaalka la gaarsiyey madaxweynaha ayaa ahaa inuu kasoo qeybgalo xafladda Caleema saarka Madaxweyne Farmaajo oo ka dhici doonto  Muqdisho 22 Bishaan oo ku beegan Maalinta arbacada ah,  wuxuuna Cali Maxamed Sheekh Bagdaadi oo ah qunsulka Soomaaliya ee Kenya xaqiijiyey inuu Uhura codsigaas aqbalay uuna kasoo qeybgeli doono xafladaas.

Qunsulka Soomaaliya u fadhiyo kenya ayaa sheegay in labadaan wadan ay wadaagaan caqabado iyo fursado guud waana waajib inaan ka wada qeyb qaadanayo barwaaqada iyo nabadeynta Africa ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com